Nagu saabsan

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle waxay u xil-saaran tahay ilaalinta xasiloonida State-ka iyo amniga guud iyadoo la socota hey’adaha sharciga sida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha iyo kuwa kale, Wasaaraddu waxay dejineysaa siyaasad amni oo wax looga qabanayo khataraha gudaha ka jira waxay maamushaa hawlgallada sirdoonka, isku dubbaridka jawaabaha degdegga ah.

Wasaaraddu waxa ay Xafiis ku leedahay Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Sidoo kale waxa ay xafiisyo ku leedahay magaalooyinka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.