Saldhig Boliis Cusub oo maanta laga daah furay Garoonka Beledweyn.

Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu qabtay Munaasabad lagu daah-furayay Saldhig cusub uu yeelan doono Garoonka Ugaas khalif ee Magaalada Beledweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta saldhigga cusub ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray wasiirka Amniga Gudaha ee dowlag Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre oo ay wehliyaan Taliyaha Booliiska Amisom Augostine Magnus ,Taliye ku xigeenka Booliska Hirshabelle korneyl  xasan Kaafi Mohamed ,Madaxa Howlgalka UNSOM ee Hirshabelle Mr Benjamin Jonah iyo Masuuliyin kale oo katirsan Amisom ,Maamulka Degmada iyo Laaamaha Amniga Gobolka.

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle oo qudbad ka jeediyay munaasabdda xarig jarka  ayaa marka hore u mahadceliyay Amisom oo kaalin muhiim ah ka qaadatay Hirgelinta Saldhiggani oo muhiim u ah Garoonka Ugaas khalif ee Beledweyne .

“ Waxaa maanta farxad weyn inno ah inaan si rasmi ah u daah-furno Saldhiggii ugu horrreeyay ee uu yeesho Garoonka Ugaas Khalif, runti waxey inno tahay sharaf waxan u mahadcelinayaa saaxibadenna Amisom oo xilli kasta u taagan taageeridda Soomaaliya guud ahaan iyo Horumarinta Booliiska Hirshabelle, waxaan rajeynayaa in Taliska Booliska Hirshabelle ay si qurux badan u maareyn doonaan Sladhiggaan” ayu yiri wasir kheire oo ka hadlay munaasabadda.

Wasiirka ayaa sido kale xusay in wasaaradda Amniga qorsheyneyso hergelinta Dhowr saldhig oo ay yeelan doonaan deegannada Hirshabelle waxaana uu ciidamada ugu baaqay inay dhowraan Hab maamulka saldhigyadani.

Taliyaha Booliska AMISOM Augostine Magnus oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf u tahay Hergelinta Saldhiggani cusub ee manta xarigga laga jaray isaga oo ku tilmamay Tallabo weyn oo ay qaadeen Booliiska Hirshabelle iyo guud ahan Wasaaradda Amniga Gudaha.

Saldhiggani laga daahfuray Garoonka Ugaas Khalif ee magaalada Beledweyne ayaa noqonayo Saldhiggii ugu horreeyay ee uu yeesho garoon diyaaraded guud ahaan Deegaannad Hirshabelle.

Daawo Sawirada.