Dufacdii seddaxaad ee Booliiska Hirshabelle oo tababar loo soo xeray.

Waxaa manta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedk Hirshabelle tababar logu soo xeray Dufacdii seddaxaad ee Booliiska Hirshabelle.
Munaasabadda lagu soo xerayay tababarka ayaaa waxa si wadajir ah ugu qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre, wasiirka Dhalinyarada Hirshabelle Mudane Cabdiqani Cabdullahi Jeenyo, Taliyha Boliiska Hirshabelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan iyo taliye Xigeennada Booliiska Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Axmed Meyre Makaran, Mr Christopher Aria oo matalayay Amisom, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Hirshabelle Mr Benjamin Jonah iyo marti sharaf kale.
Ciidamada loo soo xeray tababarkan oo tiradoodu aheyd 198 sarkaal oo 21 kamid ah ay dumar yahiin ayaa si guud looga soo xulay Degmooyinka Hirshabelle.
Tababarka Booliskani ayaa waxaa uu socday muddo seddax bilood ah iyada oo ay si wadajir ah u leylinayeen Saraakiil sare oo ka tirsan Booliiska Somaliya iyo Qeybta Booliiska Amisom.
Bandhigga qeybaha kala duwan ee hab-tababarka Booliiska kaddib waxaa madasha qudbad ka jeediyay masuuliyin kala duwan waxaana ugu horreyn qudbad jeediyay Mr Younye oo ah xiriiriyaha tababarka ee Xarunta Tababarka, mahadcelin iyo salaan kaddib waxaa uu si weyn ugu hadlay hannaanka loo xulay ciidamada cusub iyo heerarkii ay so mareen waxaa uu sido kale ugu mahadceliyay Wasaaradda Amniga Hirshabelle kuna ammaanay wada shaqeynta wanagsan waxa uuna ku bogaadiyay in la si xoojiyo iskaashiga.

Mr Christopher Aria oo ahaa wakiil Ku hadlayay Magaca Ururka Midowga Afrika oo qudbad ka jeediyay goobta ayaa sheegay in si weyn uu ugu faraxsanayahay inu goob jog u noqda qalin jebinta dufcadi seddaxaad ee Booliiska Hirshabelle islamarkaana waxaa uu ka hadlay Muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta saaaxibada Amisom iyo Dowladda oo tiir u ah howla badan isagoona dowlad Goboleedka Hirshabelle ugu mahadceliyay Dar-dargelinta howlaha muhiimka ah.
Taliayaha Booliiska Hirshabelle Korneyn Xasan DhicisowXasan oo isagana goobta ka jeediyay qudbo ayaa sheegay inay sharaf u tahay in manta dafcadi seddaxaad ay tababar u so xeraan Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Waxuu si gaar ah u la hadlay Ciidamada tababarka u idlaaday isaga oo sheegay inay ciidamadan yahiin kuwa si guud ugu howl geli doono Degmooyinka Jowhar, Beledweyne, Balcad, Buloburte, Jalalaqsi, Mahaday, Warsheekh iyo Cadalle. Taliyaha ayaa sido kale ballan qaaday inay sii xoojin doonana howlaha dib u habeynta Ciidamda Booliiska.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre oo qudbad muhiim ah ka jediyay Goobta ayaa sheegay inay farxad gar ah u tahay Dhameystirka Tababarka Difcada 3aad ee Booliiska Hirshabelle waxu sheegay in wasaaradda Amnigu ay ku howlan tahay dar-dareglinta arrimaha Booliiska oo muhiim u ah Dowlad Goboleedka, waxa uu xusay in si dhow loo billaabi doono xulista dufcada afarad ee Booliiska Hirshabelle. Wasiirka ayaa sidoo kale erayo dardaaran ah u jeediyay ciidamad Cusub ee tababarka loo so xeray isaga oo faray ilaalinta sharciga, ka shaqeynta Amniga deegaanka, u dhimrinta shacabka, ilalainta Sharafka Dowladda iyo ciidmada, waxana uu bogaadiayay Kaalinta Gabdhaha ee Booliiska oo runtii muhiim u ah isdhex-galka bulshada.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in Booliiska Hirshabelle si guud ay masuul ugu noqon doonaan Howlaha Doorashoyinka ee Heer federal iyo Dowlad Goboleed, Waxana uu ugu dambeyn u mahadceliyay saaxiabada AMISOM, UNOPS, deeqbixiyaasha barnaamijka JPP-ga iyo DFS oo runtii kaalin muhiim ah ku leh Horumarinta iyo tayeynta Booliiska Hirshabelle.
Ugu dambeyn waxaa Munaasabadda so xeray Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabele Mudane Cali Gudlawe Xusseen oo si weyn ug mahadceliyay marti sharafta ka socotay qeybaha kala duwan, intaasi kaddib waxaa uu u hambalyeeyay Ciidamada cusub waxana uu sidoo kale bogaadiyay kaalinta wasaaradda amniga gudaha Hirhsabelle oo door muhiim ah ka cayaartay suurtagalnimada in Hirshabelle ay yeelato ciidamo u gaar ah oo ka shaqeeyo ammaanka deegaanadeeda.
Dufcaddan seddaxaad ee booliiska Hirshabelle ayaa qeyb ka ah qorshaha 800 oo askari loogu tababaryo Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyada oo dafcadi ugu damabeysay oo ka koobnaan doonto 200 oo sarkaal ay goor dhow xulisteeda ka billaaban doonto magalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Daawo Sawirada: