Dagaal beeleed ka taagnaa Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo la xalliyey

Saraakiil katirsan Booliska Hirshabelle ayaa ku guuuleystay in ay xalliyaan dagaal beeleedyo ka jiray Deegaanno katirsan Degmada matabaan ee Dowlad Goboledka Hirshabelle .

Waxaa sido kale wada xaajodka iyo heshiiska Beelahasi goob joog ka ahaaa taliska qeybta 21 aad ee CXD ee ka howl galo Deegannada Galmudug.

Maleeshiyaadka labada Beelood dagaalkooda xalka loo raadinayo ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan,waxaana saraakiisha Ciidanka xoogga ay odayaasha labaa beelood fareen in muddo ku siman laba bilood iyo Bar gudahood ay ku kala qaataan Magta dadkii halkaas kudhintay.

Deegaanka Bacda iyo tuulooyinka kale ee hoostaga degmada Matabaan ee dagaalada horey uga dhaceen ayaa xaaladooda waxaa ay tahay mid degan,kadib markii saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo waxgaradka labada beeood ay ku baxeen dagaalkii socdey.