Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Soo xeray Aqoon isweydaarsi muddo shan maalmood ah ugu socday Sraakiil Boolis oo ka kala socday dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ee soomaaliya .
Aqoon is weydaarsigani oo lagu baranayay Dhowrist Xuquuqda Aaadnaha ,is dhexgalka shacabka io booliisa ,Kahortagga Dambiyada Abaabulan ,Is weydaarsiga Eedeysanayaasha ka gudbay soohdinnada iyo sidii looga hortagi lahaa Tacaddiyada ama xadgudubyada noocyadooda kala duwan ee ay Dowladda soomaaliya iyo hey’adaha ka shaqeeya Arriimaha Xuquuqda Aadanaha isla garteen inay yahiin Dambiyo Muuqda .
Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaa Aqoon is weydaarsigani ugu qeyb galay Taliye –yaasha saldhig yada Degmooyinka ,Taliye Qeybeedyada Gobollada iyo Taliska Guud ee qeybta Booliiska Hirshabelle waxaana saraakiishu ay si weyn ugu faa’ideysteen Barnaamijkano Aqoon is weydaarsi oo muhiim u ah tayeynta Laamaha Amni iyo u tababaridda Booliska si ay u helaan Qibrad dheeri ah oo la xiirira Howlaha Booliiska .
Wasiirka Amniga Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre oo xeritaanka Qudbad ka jeediyay ayaa ciidmada Booliiska kula dardaarmay in ay si weyn isaga kaashadaan sugdda Amniga kana fogaadaan xadgudub kasta oo samaeyn ku yeelan karo Bulshada ay u shaqeeyaan (“waxan aad ugu faraxanahay in aan fursad isku helno saraakiil ka socoto Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur galbeed oo si wadajir ah Aqoon weydaarrsi looga qabanayo halkan,Ciidamadu waa in muhiimad gaar ah siiyaan sugidda Amniga iyo u adeegista bulshda kana fogaadaan xad gudub kasta oo waxyeelleyn karo bulshada “’ayuu yiri wasiir kheyre.
Saraakiisha Aqoon is weydaarsiga loo smaeyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay Qaban-qaabiye- yaahsa Barnaamijka iyo wasaaradda Amniga iyaga oo ballan qaaday in si weyn ay isgaa kaashan doonaan howlaha sugidda Amniga .
SAWIRRO
