Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre aya maanat xariggaka jaray xarunta cusub ee saldhigga Booliiska Degmada Cadalle ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Saldhigani cusub ee laga herigeliyay Degma Xeebeedka Cadalle o kamid ah Degmooyinka ugu muhiimsan Hirshabelle ayaa waxaa fulintiisa laheyd Hey’adda IOM iyada oo sido kale ay kaalin ku laheyd hergelintiisa AMISOM
Munaasabad ballaaran oo ka dahacday xarunta saldhigga ayaa waxaa si rasmi ah xarigga ugu jaray saldhigga cusub Wasirka Amniga Gudaha ee Hirshabelle Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre oo ay wehliyaan wasiiroo iyo xildhibaanno katirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle ,Saraakiil sare oo katirsan Amisom,Masuuliyin katirsan Mamulka gobolka shabellada Dhexe iyo Maamulka Degmada Cadalle .
Wasiirka ayaa hadal uu ka jeediyay Munaasabadds Xarig jarka saldhigga ugu mahadceliyay IOM kaalinta Ballaran ee ay ka qaadatay Horumarinta Kaabayahsa Dowladda oo ay ugu horreeyan Dhsimayaasha Xarumha muhiimkau u ah Dowlad Goboleedka
“Waxaa marka hore u mahadcelinayaa Hey’adda IOM oo runtii si weyn isagu howshay Horumarinta Adeegyada Muhiimka u ah Dowlad Goboleedka hirshabelle xaqiiqdi sharaf iyo farxad ayey inno tahay in manta aan si rasmi ah u daahfurno slaldhigga Cusub ee Degmada Cadalle oo looga adeegi doono Bulshada ku nool halkan” ayuu yiri Mudane Maxamed C/raxmaan Kheyre
Saldhiggan cusub ee ay yeelanaeyso Degmada Cadalle waxaa ku shaqeyn doono Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ay taageerayaan Ciidamada AMISOM oo ku sugan Degmada Cadalle ee Gobolka shabellada Dhexe.
Daawo Sawirada
