Shirka qorshaha Amniga Hirshabelle oo maanta Jowhar ka dhacay

Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle lagu qabtay shirka Amniga Hirshabelle oo ay soo qaban qaabiyeen Howladeennada xafiiska Amniga ee Hirshabelle .

Shirkani  ayaa waxaa si wadajir ah ugu qeyb galay  Xubno ka socdo Xafiiska Amniga ,Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Caddaaladda iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka, Guddoomiye-yaahsa Labada Gobol  ee Hirraan & shabellada Dhexe, Taliye yaasha Ciidamada Militiriga, Booliiska, Nabad sugidda  ee Hirshabelle ,Madaxweyne ku xigeenka  iyo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Kulankani oo ahaa mid muhiim u ahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaa so qaban qaabiyay Xafiiska Amniga waxaana si weyn looga dooday Qodobada Shirka oo kala ahaa

  • Xaaladda Amni ee Dowlad Goboleedka
  • Howgallada Dib u xoreynta deegaannada Hirshabelle
  • Amniga xilliga doorashooyinka
  • Qorshaha waqtiga kala-guurka
  • Qilaafaadka Ka Jiro Deegaannada Dowlad Goboleedka
  • Saameynta Cudurka Covid19 ee howlgallada Amniga

Shirkani ayaa ahaa mid muhiim u ah wad shaqeyntahey’adaha Amniga Xiirirka Dowladda waana shirki ugu horreysay ee ay isagu  yimdaan qeybaha amniga ,Guddoomiye-yaasha labada gobol iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Daawo Sawirada