Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle lagu qabtay shirka Amniga Hirshabelle oo ay soo qaban qaabiyeen Howladeennada xafiiska Amniga ee Hirshabelle .
Shirkani ayaa waxaa si wadajir ah ugu qeyb galay Xubno ka socdo Xafiiska Amniga ,Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Caddaaladda iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka, Guddoomiye-yaahsa Labada Gobol ee Hirraan & shabellada Dhexe, Taliye yaasha Ciidamada Militiriga, Booliiska, Nabad sugidda ee Hirshabelle ,Madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Kulankani oo ahaa mid muhiim u ahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaa so qaban qaabiyay Xafiiska Amniga waxaana si weyn looga dooday Qodobada Shirka oo kala ahaa
- Xaaladda Amni ee Dowlad Goboleedka
- Howgallada Dib u xoreynta deegaannada Hirshabelle
- Amniga xilliga doorashooyinka
- Qorshaha waqtiga kala-guurka
- Qilaafaadka Ka Jiro Deegaannada Dowlad Goboleedka
- Saameynta Cudurka Covid19 ee howlgallada Amniga
Shirkani ayaa ahaa mid muhiim u ah wad shaqeyntahey’adaha Amniga Xiirirka Dowladda waana shirki ugu horreysay ee ay isagu yimdaan qeybaha amniga ,Guddoomiye-yaasha labada gobol iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Daawo Sawirada





